Waxaa goordhow duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano carbiska oo ku dhaw Degmada Afgooye kusoo dhacday diyaarad xamuul aheyd.
Diyaarada ayaa waxaa la sheegayaa inay usuura gali weysay inay la baxdo lugaha sidaana ay kusoo dhacday.
Diyaarada ayaa waxa ay Caawa oo idil ay dul heehaabeysay Magaalada Muqdisho, iyadoona ugu danbeyntii kusoo dul habsatay Carbiska.
Diyaarada ayaa u rarneyd Ciidamada AMISOM waxaana la sheegayaa inay saarnaayen agab ciidan.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF Somalia ay isku gadaamen goobta ay ku dhacday, waxaana laga cabsi qabaa in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay damcaan hantida saaran Diyaaradaasi.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federalka Soomaaliya ee ku saabsan diyaarada.