Guddiga soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Xulidda Baarlamaanka Maamulkaas ay hadda meel wanaagsan u mareyso.
Malaaq Cabdi-rashiid Shiikh Cabdi-salaam oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddigaas ayaa u sheegay Warbaahinta in dib u dhaca ku yimid howshooda maaddaama ay mar hore billaabeen uu yahay dib u heshiisiinta Beelaha oo ay muddo ka wadeen Deegaanada Gobollada.
“Marka ay heshiiyaan beelaha ayaan rabnay in aan dhahno qola walba keensada cidda idiin meteleysa Baarlamaanka la dhisayo, Baarlamaanka waxaa ka mid noqon kara, 25-jir caafimaad qaba aan Xukun Maxkamadeed ku dhicin, sidoo kalena leh aqoon heer Dugsiga sare ah ama u dhiganta” ayuu hadalkiisa ku daray.
“Habka Xubnaha Baarlamaanka loo qeybsanayo maahan deegaan ee waa Hab beeleed, waxaana beelaha oo dhan aan gaarsiinay habka qeybsiga iyo inta uga soo Aadeysa”.
Weli ismari waa ayaa waxaa ka dhex taagan yahay Odayaasha Soo Xulaya Baarlamaanka iyO Dadka ka soo Jeeda qaar ka mid ah Gobalada uu ka Arimiyo maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan SheekH Aadan.