Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa sitoos ah u sheegay in uun aqbalay qorshaha Cusub ee DF Soomaaliya ay isugu dhafayso Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaas oo la shegay in horay looga hirgaliyey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.
Wafdi tagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulkaas ayaa Shariif Xasan kala hadalay in qorshaha Ciidamada la isugu dhafayo uu yahay mid loo baahanyahay in si dhakhsaha loo dardar galiyo,isla markaan Maamulada dalka Soomaaliya ee qorshahan qaatay ay noqon doonaan kuwa sitoos ah Ciidamada Jooga ay ooga amar qaataan DF Soomaaliya.