Waxaa goordhaw oo caawa ah Diyaarad weyn oo nuuca xamuulka qaad ah ay ku dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano carbiska oo ku dhaw Degmada Afgooye.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Diyaaradan ay agab u waday ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana diyaaradan markii damacday in ay caga dhigato Garoonka Aadan Cadde u bixi waayay lugaha .
Diyaaradan ayaa mudo ku dul wareegeesay Magaalada muqdisho waxa ayna marar badan isku dayday in ay caga dhigato garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde balse waa suurtoobi weysay in si nabad galyo ah u caga dhigato.
Wararkii ugu dambeeyay oon helnay ayaa sheegaya in Diyaaradan ay goordhaw ku dhacady Deegaanka Carbiska ee kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada AMISOM iyo ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo isku gadaamay goobta ay diyaaradu ku dhacday.
Wariye katirsan muurinews.com ayaa kamid ahaa dadkii arkayay diyaaradan oo caawa salaadiiu maqrib kadib hawada muqdisho ku meereesaneysay , waxa ayna ugu dsambeyn Muqdisho uga baxday dhinaca AFgooye ay ku dhacday Diyaaradaasi.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga dambe Insha Allah