Xog cusub ayaa laga helay qorshaha Cali Maxamed Geedi & Wafdi uu hogaaminaayo Maalintii shalay ay u gaareeyn Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.
Cali Geedi ayaa sheegay inay Baydhaba u tageen wadatashi ku saabsan dhameystirka maamulka K/Galbeed, wuxuuna u hambalyeeyay horumarka laga gaaray maamulka Koonfur Galbeed. Wafdiga Cali Maxamed Geedi ayaa ka mida wufuud ku qulquleysa magaalada Baydhaba oo dooneysa inay saameyn ku yeeshaan howsha dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee socota.
.