Shirkad laga leeyahay Dalka Kenya ayaa markii ugu horreeyay sameeyay Production ama wax soo saar cusub oo ku aaddan dhinaca Qaadka gaar ahaan waxaa markii ugu horreysay Qaadka ama Jaadka laga soo soo dhigay Cabbitaano, Jaamka rootiga la marsado iyo Khamri,
Waxaana alifay wiil dhallinyaro ah oo Arday Jaamacadeed ah laguna magacaabo Kevin Nthiga, kaas oo aad ugu faraxsan inuu lee yahay Maskaxda Qaadka looga dhigay wax la cabbayo.
Noocaan Cusub ee Maandooriyaha Qaadka oo daroogada adduunka Kaalinta Seddexaad uga jira ayaa hadda lasoo baxay hab cusub, oo dadkii balwaddaas lahaa ay u isticmaalayaan Cabbitaan khamri ah ama Cabbitaan caadi ah oo aan Aalkolo lahayn.
Arrintaan ayaa khatar hor leh ku ah geeska africa gaar ahaan dalka Soomaaliya oo dadkiisu ay aad u isticmaalaan Qaadka gaar ahaan rag badan iyo tiro yar oo dumar ah, laakiin haddii Cabbitaankaani soo gaaro waxaa dhici karta in xittaa Carruurta iyo Haweenku ay cabbaan.