DHAGEYSO: WAR Culus Suldaan Axmadeey Maxamed Cali oo Eedeyn u jeediyey Qurbo Joogta.(cajiib)
Oct 15, 2015 -
Comments off
Kulan uu shir gudoominaayay Suldaan Axmadeey Maxamed Cali oo ay ka soo qeyb galeen Odayaal, Nabadoono,Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa mid lagu beeninaayay Wararka sheegaya in la bedelayo Suldaan Axmadeey Maxamed Cali iyo sidii ay isugu duubnaa lahaayeen Shacabka dega Gobolka Shabeelaha Hoose.
Suldaan Axmadeey Maxamed Cali oo kulan ka hadlay ayaa qaar ka mid ah Qurbo joogta Soomaaliyeed ugu digay iney ka fogaadaan burburinta dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxa Suldaan Axmadeey Tilmaamay iney dadkaasi wataan dano gaar ah isla markaana ay u adeegayaan Shaqsiyaad gaar ah ayna ogolaaneyn wararka ay wadaan.
Sidoo kale waxa kulanka hadlay oo soo dhaweeyay hadalka Suldaanka qaar ka mid ah Nabadoonada iyo Waxgaradkii kulanka ka so qeyb galay, waxay eedeeyn u jeediyeen Qurbo Joogta Soomaaliyeed.
Gabagabada Kulanka waxaa ka hadlay Dhalinyarada iyo Culama udiinka Gobolka Shabeelaha Hoose waxayna si wadajir ah u shaaciyeen iney muhim tahay ka shaqeynta Midnimada iyo Hormarka Dalka.