Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa malyuunaad lacag ah ku bixinaya laba mashruuc oo la xiriira xaaladda qaxootiga dalka ku soo qulqulaya.
Qorshooyinkan oo uu mid ku wajahan yahay bulshada dalka ku dhaqan, iyo in la codeeyn loo qaado tirada qaxootiga ee dalka soo galeeysa, halka uu midka kalena ku wajahan yahay qaxootiga dalka dibaddiisa ka imaneya sidii looga cabsi gelin lahaa iney dalkan yimaadaan, sida ay sheegtay af-hayeenka xisbiga SD ee arrimmaha is-dhex-galka Paula Bieler oo shirka jaraa’id qayb ka ahayd:
– Waxaa lagu jiraa xaalad aan loo dul-qaadan karin iyo in la aamino in siyaasiyiinta waddanku aaney dhageey-san bulashadii dooratey codkeeda. Sidaa daraadeed ayay u tahay howl waaqici ah in aannu soo jeedinno in cod bulshada laga qaado. Bulshada iyo siyaasiyiinta dhammaantood waa iney dareemaan xaaladda hor taalla Sweden iyo bulshadu waxa ay doonayso.
Shirka jaraa’id oo xisbiga SD uu maanta qabtay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad ballaaran la gelin doono sidii uu xisbigu uga iib-san lahaa xayeeysiin aaladdaha la iska daawado iyo war-geeysyada ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa ku tallaabsaday howl u dhiganta sidiiyoo uu socdo olole doorasho, sida uu shirka jaraa’id ka sheegay Richard Jomshof. Hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson iyo xubnaha hoggaanka ayaa safarro ku kala bixin doona dalka iyo sidii ey ugu war-gelin lahaayeen xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Qaybta kale ee qorshaha xisbiga ayaa ku saleey-san sidii waddammada ey ka soo socdaalaan qaxootiga ee dalkan ku soo wajahan sidii loogu war-gelin lahaa xaaladda dhowreeysa kolka ey yimaadaan, sida uu sheegay Richard Jomshof:
– Waxaannu xilli xayeeysiin ka iib-san doonnaa aaladaha la iska daawado ee TV-ga iyo ee dalkan Sweden iyo sidoo kale dalka dibaddiisa. Iyadoona muhiimadda laga leeyahay ay tahay sida ay Paula-ba sheegtay in cid walba oo ku fekereeysa inay dalkan timaaddo ay fahmaan xaaladda sugaysa kolka ay dalkan yimaadaan ama soo caga dhigtaan.