Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa maalin ka hor safar ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed, iyadoo ujeedada safarkiisu macno badan u lahaayeen.
Waxyaabaha ugu horeeya ee Xasan Sheikh ku qasbay inuu tago magaalada Baydhabo ayaa aheyd dhameynta khilaafkii ka dhashay soo xulista xubnaha baarlamaanka ee maamulka Koofur Galbeed oo u dhaxeysay beelaha daga halkaasi.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in la dhameeyay qilaafkii u dhaxeeyay xubaha beelaha daga deegaanada maamulkaasi iyo waxgaradka ku mashquulsan soo xulista baarlamaanka maamulka.
Xogta kale ee aan heleyno ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu u tagay magaalada Baydhabo latashiyo uu la sameynayay madaxweyne Shariif Xasan oo ku Aadan la dhameynta khilaafka mooshinka ka dhashay ee u dhaxeeyay Xasan iyo xildhibaanada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya iney kulamo gaargaar ah yeesheen madaxweyneh Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed, waxaana la ogeyn waxyaabaha kasoo baxay kulamadooda gaarka ah.