Dowlada Ethiopia ayaa faahfaahin buuxda ka bixisay sababta keentay iney ciidamadooda soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan ku biirin ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Dr Tedros Adhanam, ayaa sheegay kadib gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ay noqotay mid ku timid codsi kaga yimid dowlada Soomaaliya, xiligaasi oo Alshabaab dhul badan ay gacanta ku hayeen.
Wasiirka arimaha dibada ayaa sheegay in kadib ciidamada Alshabaab laga saaray magaalooyin badan oo koofurta Soomaaliya kaga sugnaayeen, inkastoo uu sheegay in ciidamadaasi aysan ku filneyn howlgalka ka socdo Soomaaliya.
Tedros, ayaa sheegay in deegaanadii laga saaray Alshabaab ay ka jireen arimo bini’aadanimo isagoo sidoo kale sheegay in la abuuray qaabka wadashaqeynta dadweynaha iyo dowlada Soomaaliya.
Ugu dambeyn wasiirka arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada Amaanka Soomaaliya u baahan yahay taageeri Dhaqaalo iyo tababar oo ay siiyaan midowga Africa ayna ka qeyb qaadan doonaan arimahaasi.