Nabadoon Jabriil Cabdulaahi Abshiroow Jabriil Yoome oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Shabelaha hoose ayaa waxa uu siweyn udhaliilay Suldaan Jimcihii la soo dhafay lagu caleemo saray degmada Lambar 50 ee gobolka Shabelaha hoose Nabadoonka ayaa yiri,
Aniga ma aqoonsani Suldaankaas waxan aqoon sanahay Suldaanka beesha Biyo maal in uu yahay Suldaan Abuukar Cabdow Daahir hadana uu kusugan yahay magalada muqdisho balse kaasi waxaa magacaabay hadana caleemo saray dad dano gaar ah leh go aan aan kaqaadan karin ayuu yir Nabadoon Jabriil Yoome,
Sikastaba ha ahaatee tan iyo markii lacaleemo saaray Suldaan lasheegay in ay yeelaneyso Beesha Biyo maal oo kamid ah beelaha dega gobolka Shabelaha hoose waxaana sii xoogeestay hadal heynta ku aadan arintaasi