Wararka laga helayo Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay Tiro Madaafiic ah ku garaaceen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shalabellaha Hoose.
Wararka ayaa tilmaamaya in ilaa Dhowr Madfac ay ku soo dhaceen Saldhiga Ciidamada AMISOM ugu weyn Marka,waxaana sidoo kale AMISOM ay ku Jawaabtay Madaafiic la mid ah.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in madaafiicda ay ku dhacday Xaafado ka mid ah Marka waa kuwa ay Tuureen Ciidamada AMISOM ee looga Jawaabayay kuwa lagu soo riday.
Khasaaraha ka dhalatay Madaafiicdaas ayaan ilaa hada la ogeyn,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto Dhimasho iyo Dhaawac Madaafiicda ka dhalatay.