Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Wadajir ee gobolka banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xili uu ku sugnaa xaafada Nasteexo.
Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabaa Ciise Beyle, wuxuuna horay kaga soo shaqeeyay wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya, laakiin hadda wuxuu ka tirsanaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday xaafada Nasteexo markii ay dileen Ciise, waxaana kadib goobta tagay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin dilka ka dhacay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir, balse baaritaano ayaa halkaasi ka socdo, sida saraakiisha amaanka ay sheegeen.
Ururka Alshabaab ayaa marar badan sheegtay dilal saraakiil ka tirsan dowlada loo geystay oo ka dhacay xaafada Nasteexo, laakiin ilaa iyo hadda kama aysan hadlin dilkaan.