Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa waxay galabta soo gaareen Magaalada Muqdisho, xilli lagu wado in ay kaga qaybgalaan shir looga hadlayo doorashada Somaliya ka dhacaysa sanadka soo socda.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa qaybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), halka aanu soo dhawayntaasi ka soo muuqan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxdan, ayaa waxay siyaabooyin kala gedisan kaga soo kala safreen Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Galkacyo, iyadoo mid kastaana uu diyaar gaar ihi watay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho, iyadoo uu booqasho ku jooggo Magaalada Baqdaad Ee Xarunta Wadanka Ciraaq.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa wuxuu xaqiijiyay in berrito uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono shirka looga hadlaayo, nooca ay noqon doonto doorashada la fillayo in Somaliya ka qabsoomta, maadaama horey la isugu raacay inaanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo codkii ah.
Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa shirkan ku wehlin doono Wakiilada Beesha Caalamka, walow aan weli la shaacin inta maalmood uu Xamar ka soconayo.