Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maanta uu ka dhoofi doono Hogaamiyaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan, Shariif Xasan ayaa ka qeyb galaya shir Dowladda Muqdisho iyo Maamul Goboleedyada uga furmayo Muqdisho.
Safarada faraha badan ee Hogaamiyaha Seddaxda Gobol uu ku tagayo Muqdisho ayaa lasoo sheegaya inay Caqabad ku noqdeen Dhismaha Baarlamaanka 3-gobol, waxaana markale dib u dhac uu ku yimid Bixinta Foomamkii Odayaasha Dhaqanka ay kusoo qori lahaayeen Wakiilada Baarlamaanka.
Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ayaa Safarada Shariif Xasan u arka inay Caqabad ku yihiin Dhismaha Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Seddaxda Gobol.
Shirka Muqdisho ka furmaya ayaa waxaa kasoo qeyb gelli doono Dhammaan Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada Dalka.
Kala Soco Warar Sugan:muurinews.com