Waa warbixin kale oo ka mid ah Wararka ku saabsan Nasiib darada Soomaalida ku habsatay, Maamulka Jubba-land ayaa magaalada Garbahaareey ku xusay Maalinta Calanka Dalka Ethiopia.
Qabanqaabada munaasabada ayaa waxaa wada lahaa Maamulka Jubba iyo Taliska Ciidamada Ethiopia, waxa ayna munaasabadu ka dhacday saldhiga ciidamada AMISOM ee magaalada Garbahaarey.
Dhanka maamulka Jubba ayaa waxaa munaasabada abaabulkeeda uga qeybqaatay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxwayne Ku-xigeenka Jubba Fartaag, Xildhibaano ka tirsan Maamulka, Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Ururka Haweenka , Gudoomiyaha Garbahaarey.
Mas’uuliyiintaani ayaa hadiyado isku gudoonsiiyay xaflada waxaana munaasabada laga jeediyay Khudbado kala duwan oo ku aadan dhinacyada Maamulka iyo Ethiopia.