Ciidamo gaaraya 100 Askari oo ka mid ah kuwa Daraawiishta ee Maamulka Koofur Galbeed islamarkaana ku Xareeysnaa Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa iskaa baxay Xerada ay ku jireen,kuwaas oo u dhaqaaqay Dhanka Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ee Ga’doodka sameeyay ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan maadaama aan wax Mushaar ah lasiin 3 Bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka Amniga Maamulka Koofur Galbeed C/fitaax Ibraahin Geesey oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Maamulka oo Fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay Jiraan Ciidamada Gadoodka smeeyay islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii Ciidamadaas loogu celin lahaa Fariisimahooda.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay Wataan Gaadiid Dagaal oo ka badan 11,waxaana laga Cabsi qabaa in ay Magaalada Baydhabo ay ka Abuuraan Qal qal Amni oo ay isku dhacaan Ciidamada ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.