Ruux la sheegay inuu wajiga soo xirtay ayaa Seef la dhex maray dad ku sugnaa Iskuul ku yaalla dalka Sweden.
Ruuxaani ayaa Seefta ku dilay labo Ruux, halka 4 kalane uu gaarsiiyay dhaawac culus kuwaasi oo loola cararay goobaha Caafimaadka. Ruuxa falka geystay oo Toogashada ay kasoo gaartay dhaawac ayaa isna la dhigay Isbitaal si loo dabiibo, waxaana halkaasi dhaawiciisa ku ilaalinaaya Ciidamada Booliska. Saraakiisha Booliska oo goobta kula hadashay Saxaafada ayaa sheegay in goortii ay halkaasi gaaren ay dadka ka dareemayeen Jahwareer waxa ayna arintaani ka dhacday iskuul ku yaalla Magaalada Trollahattan ee galbeedka dalka Swedan. |