Munaasabad ku aadan maamulwanaaga iyo kor u qaadida xiriirka bulshada iyo
¡sdhexgalka masuuliyiinta degmooyinka ¡yo gobolada Koonfurgalbeed oo ka socda magaalada Baydhabo ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan masuuliyiinta gobolada ¡yo
degmooyinka Koonfur-galbeed, wasiiro ¡yo odayaal dhaqameedyo.
Siminaarka 00 socan doona mudo saddex maalmood ah ayaa waxaa munaasabada ka hadlay ugu
horeyn gudoomiyaha Degmada Baydhabo mudane Cabdullaahi Cali watlin iyo gudoomlyaha gobolka
Bay mudane Cabdirashiid Cabdulahi 00 iyaga marti loo ahaa iyagoo halkaasi kasoojeediyey sida ay
ugu faraxsanyihiin ¡n ay isbartaan masuuliyiin badan 00 aanay aqoon isku laheyn.
Sidookale waxaa kulanka Ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Marka Mudane Xasan Cumar Maclin (Shareeco) 00 sheegay in ay farxad u tahay in masuuliyiinta degmooyinka Sh/hose
ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo ayna is arkaan masuuliyiinta gobolada kale ee Koonfur galbeed.
Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay odayaal ka socday golaha malaaqyada 00 uu kamid yahay
Suldaan Cabdulaahi Caliyow Ibrow.
Ugu danbeyn waxaa kulanka ka hadlay kusimaha wasiirka Arimaha gudaha KG ahna wasirka
dhaqancelinta iyo tababarada maleeshiyaadka Xasan Xuseen Eelay.
Si kastaba ha ahaatee tababarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Wasaarada arimaha gudaha KG
waxaana siminaarka bixinaya hay’ada TiiZ ayadoona ay fududeyneysa hay’adda CPD ayadoo inta
tababarka uu socdo la isku weydaarsan doono aqoon ku aadan maamulka iyo maamul wanaaga.